BREAKING NEWS

Somaliland Oo Badhan Ku Ah Duulaan iyo Halis Hortaagan,

Saddex Taliye ciidan oo Somaliland u qaabilsanaa deegaannada Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Dhahar, Damalla-xagare, Ceelbuh iyo Carmale oo dhammaantood ah gobolka Sanaag oo lakala dhaho; Guray Cismaan Saalax, Xayle Xaaji Diraac iyo Xuseen Dheere iyo Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa is khilaafay.

Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa Taliyaashaas ku amray in ay galaan magaalada Badhan oo ay ku sugan yihiin wasiirka amniga Puntlandiyo ciidamada Puntland balse taliyaasha ayaa arrintaasi ka biyo diiday.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag oo tegey iyana deegaanka Ceelbuh oo ciidamada Somaliland ee gobolka kasoo jeeda laysugu geeyey ayaa ii xaqiijiyey warkan ku saabsan ismaandhaafka.

Odayaasha iyo waxgaradka aan la xidhiidhay waxay ka gaabsadeen in ay ii caddeeyaan in Taliyaashan ay iscasileen iyo in kale balse waxay ii xaqiiniyeen in Taliyaasha iyo ciidamadooduba goosteen in ay ka baxaan Somaliland, balse aysan arintaas warbaahinta la wadaagin oo la sugo inta ay hadlayaan.

Taliyaasha oo aan la xidhiidhay ayaan iiga jawaabin taleefanka.

Wararka sheegaya in Taliyaasha Sanaag iyo ciidamadooduba ay ka baxeen Somaliland waa kuwo isasoo taraya balse xaaladda ayaa markasta is badali karta

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top