BREAKING NEWS

War Culus Oo Ka Soo Baxay Odayaasha Warsangali{Video}

 Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Damalo Xagare ee Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay Xaalada Gobolka Sanaag, Dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka iyo Xiisada Kacsan ee laga dareemayo Bariga Gobolka Sanaag.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Odayaasha ayaa sheegay in deegaanka Lagu soo Weeraray Hub Culus oo kala duwan, waxayna sheegeen in maamulka Muuse Biixi uu dhibaato iyo Colaad ka hurinayo deegaanka, Sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay xuseen in Markii Saraakiisha ciidamada iyo Taliyahoodii laga hadlay ay u sheegeen inuu Amarku kasoo baxay Madaxwaynaha Somaliland.

Odayaasha ayaa sheegay in deegaanka Beesha Warsangeli lagu soo qaaday duulaan, islamarkaana aysan Aqbali doonin, Waxayna sheegeen inay iska difaaci doonaan.

Ugu dambayntii waxaa madasha laga Akhriyey Bayaan kaso baxay Kulamo iyo Wadatashi ay yeesheen Waxgaradka Beesha Warsangeli.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top