BREAKING NEWS

Waxaa Si toos ah maanta loo fadhistay Imtaxanki Shahadiga ahaa Ee Dawlada Fedaralka Somaliya[Akhriso]

Ardaya ka badan 31 Kun ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso,kadib markii uu horay u fashilmay imtixaankii 11kii Bishaan ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

Xarumaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,waxaana Wasaaradda Waxbarshada ay ku dadaaleysaa in markale uusan fashilmin Imtixaanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top