BREAKING NEWS

Ilhaan Cumar oo soo saartay qoraal ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Hindiya

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah ahna Xildhibaanadda laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa weerar afka ah waxaa ay ku qaaday Xukuumadda Cusub ee la wareegtay dalka Hindiya,iyada oo Mareykanka ka codsatay inay ilgaar ah ku heyso,isla markaana waxka qabato xadgudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalka Hindiya.

Qoraal ay ku daabacday barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in Sharciga uu wado Ra’iisul Wasaaraha Hindiya uu yahay mid sii kordhinaya Rabshadaha ay wadaan dadka Hindiya eek u saleysan Islaam naceybka, waxaase xusid mudan in dalka Hindiya uu yahay dalka labaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin caalamka

“Qorshaha Ra’iisul Wasaare Modi wuxuu dhiiragelinayaa Kooxaha Hindiya ee wada kacdoonka ka dhanka ah dadka muslimiinta ah,dowladda Mareykanka waxaa laga rabaa inay ka qeyb qaadato ama u sitaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa dowlad u taagan xurriyadda dhinaca Diinta oo ay heystaan qowmiyadaha kala duwan ee u nool dalkaasi ayay ku tiri Ilhaan Cumar Qoraalkeeda.

Hadalka Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah ahna Xildhibaanadda laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli talada dalkaasi hindiya ay la wareegeen Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) oo ah mid u janjeera dhanka diinta Hinduuga.

Sidoo kale waxaa uu daba socdaa xilli wadamo badan oo reer Galbeed ah uu ksuoo badanayo Islaam Naceybka,isla markaana ay ka dhaceen weeraro lala bartilmaameed saday Masaajidyo ay ku cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top