BREAKING NEWS

Itoobiya Oo Mar Kale Ku Gaftay Soomaaliya{Video}

Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya ayaa shaacisay liiska dalalka caalamka ee safaarado iyo dublamaasiyiin ka joogaan,waxaana markii ugu horeysay kasoo dhex muuqdey PUNTLAND & SOMALILAND oo qeyb ka noqonaya qaabka diblumaasiyadeed ee dowladda Ethiopia ula macaamisho dalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulada PUNTLAND & SOMALILAND oo sida la ogyahay burburkii ka dib uu ka hano qaaday nidaam leh haykal ka duwan kan maamulada kale ayaa sida la ogyahay xiriir wanaagsan muddo dheer la lahaa dowladda Itoobiya kaasoo ku qotontey badi arrimaha Amniga iyo ganacsiga.

Dowladda ITOOBIYA waxay kusoo bandhigtey mareegta wasaarada arrimaha dibadda shaxdaan dibada usoo saareysa xiriirka ay la wadaagto caalamka,waxaana sida ku cad saddex xafiis oo midood safaarad tahay dowladda Itoobiya inay ku leedahay dalka Soomaaliya,iyadoona sida la ogyahay muddo dheer xafiisyo qunsuliyaddeed ku lahayd caasimadaha PUNTLAND & SOMALILAND.

Aragti kala duwan oo ay ka bixiyeen dadka ku taxaluuqa arrimaha diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa marka geesta kale laga eego tani waxay uga dhigan tahay PUNTLAND iyo SOMALILAND muujinta xiriirka soo jireenka oo ay la wadaagaan Dowladda Itoobiya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top