BREAKING NEWS

Weerar Mindi loo Adeegsaday Oo ka dhacay Magaalada Kawasaki (Daawo Sawirada)

Weerar khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac dhaliyay oo loo adeegsaday Mindi ayaa ka dhacay magaalada Kawasaki ee dalka Japan, waxaana weerarkan uu ka dhacay goob basaska laga raaco oo mashquul badan.

Ninka weerarka geestay oo watay mindi ayaa dilay labo ruux oo mid kamid aheyd gabar 12-sano jir iskuuley aheyd, halka ruuxa kale ee weerarkan ku dhintay isna ahaa nin 39-sano jir ah.

Booliiska magaalada Kawasaki ayaa sheegay in weerarkan mindida loo adeegsaday ay ku dhaawacmeen 16-qof oo qaarkood la sheegay in dhaawaco culus qabaan laguna daaweenayo xarumaha caafimaadka, waxaana dadkaasi ku jira caruur iskooley ah.

Ninka weerarlka geestay ayaa la sheegay in uu isna toorey dhuunta iska galiyay sidaasna ku geeriyooday, waxa ayna booliiska bilaabeen baaritaano ku aadan weerarkan dhacay iyo waxa ku kalifay ninka geestay.

blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top