BREAKING NEWS

Dacwad laga gudbiyay qaar ka mid ah Wasaaradaha Puntland

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Xassan Shire Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisa ay dacwad ka gudbisay qaar ka mid ah Wasaaradaha Puntland iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee ka howlgalla deegaanada Maamulkaas.

Sababta ayuu ku sheegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland inay bixin waayeen canshuurtii ku waajibtay,waxana  uu sheegay in dacwadaas loo gudbiyay Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka guud iyo madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale ayaa Wasiirka waxa uu ku hanjabay in uu dacwad ka gudbin doono Wasaaradaha kale iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee aan weli bixin Canshuurta,isaga oo faray inay si deg deg ah ku bixiyaan Canshuurta,isla markaana ay jirto wasaaradaha qaarkood oo laga joojiyay lacagihii la siin jiray.

Hadalkaan yuu ka sheegay  Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland  kulan looga hadlayay kor u qaadida canshuuraha oo Garoowe lagu qabtay,kaas oo ay ka qeyb galeen inta badan Agaasimeyaasha Wasaaradaha Puntland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top