BREAKING NEWS

Boqolaal Ciidamo Taageersan Xaaf oo wata Gadiidka Dagaalka ayaa Saakay ku wajahan Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya qaar kamid ah deegaanada gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay halkaasi laga dareemayo qulqulka boqolaal ciidamo oo la sheegay iney ku wajahan yihiin Dhuusamareeb.

Boqolaal ciidamo wata gadiidka dagaalka ayaa la sheegay saakay iney kusoo wajahan yihiin magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Xaqiijiyay in ciidamadaasi ay kasoo baxeen magaalada Gaalkacyo, kuwaa oo la sheegay iney kusoo wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Gaalkacyo ayey kasoo baxeen, hada cadaado waa ay soo dhaafeen, waxaa la filayaa saacado kadib iney soo gaaraan magaalada dhuusamareeeb” Ayuu yiri.

Wararka qaar ayaa sheegaya ciidamada kusoo wajahan Dhuusamareeb iney taageersan yihiin Madaxweyne Xaaf.

Xiisad siyaasadeed ayaa laga dareemayaa deegaanada Galmudug, taa oo ka dhalatay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay doorashooyinka maaamulka Galmudug.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top