BREAKING NEWS

Deg Deg:Puntland Oo Xidhay Rag Ay Ku jiran Culimo Caan Ah

Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay, saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen, shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen, in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhammaantood loo wareejiyay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top