BREAKING NEWS

Saraakiil iyo Askar loo xiray dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Wararka ay Widh Widh Online ee Magalada Muqdisho ka heleyso Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xabsiga la dhigay Saraakiil iyo askar ku lug yeeshay dagaalkii shalay ka dhacay Koonfurta Magalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilaawday sida la sheegay ,kadib markii saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Galmudug uu isku dayay in uu Bustoolad la galo Gudaha Hotelka Embassy oo ay ku shir sanaayeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,balse taasi ay ka diideen Ciidamada Ilaalada Hotelka iyo kuwa Xildhibaanada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in la xiray 10 Ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar qeyb ka ahaa dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo ee sababay dhimashada 1 askari iyo dhaawaca kaba kale.

Hotelka Embassy oo ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ilaalo ka ah Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya,waxaana ay la dagaalameen Ciidamo hab beeleed u abaabulan oo uu soo kaxeysatay sarkaalka Hotelka laga celiyay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top