BREAKING NEWS

SAWIRO:-Wafdi gaaray Cadaado & soo dhaweyn loo sameeyay

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa gaaray Wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka Koobaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

Xildhibaanada Maanta tegay Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale,waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay shirar wadatashiyo ah ay la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Cadaado, iyaga oo kala hadli doona xaalada kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug.

Wararka qaar ee soo bxay ayaa waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay inay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top