Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah ka furmay shir looga hadlayao Arrimaha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD) ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Soomaaliland,hayeeshee waxaa kulankaas ka qeyb galeyn Wakiilo ka socda Dowladda Soomaaliya.
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ku sheegay in gebi ahaanba uusan jirin shir Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xubno ka tirsan Soomaaliland kula yeelaneyso Magalada Nairobi.
Shirka waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol & Wakiilka Soomaaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.