BREAKING NEWS

SAWIRO: Gaadiid dagaal iyo 700 oo Askari oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo gaaraya 700 ayaa lagu soo bandhigay Degmada Balanballe kuwaasi oo lagu wareejiyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida waxaana halkaa Ku Gudoomey Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Iyo Taliyaasha Ciidamada Qaranka

Ciidamadan ayaa si toosa ugu biiri doona kuwa xoogga dalka, waxaan dhawaan lagu bilaabi doonaa Diiwaan galin ama (DATA BASE) Ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtaa sidii loo Qarameyn lahaa Maleeshiyaadka Hubeysan ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana looga biirin lahaa xoogga dalka Soomaaliyeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top