BREAKING NEWS

Puntland:- Hooyadii Sidii Bisada Cuntay Ilmahay Dhashay.

Markaan leeyahay Puntland waxaan ka hadlayaa maamulka, shacabkuse wuu hadlay sharaf iyo boggaadin ayuu mudan yahay. Se

Ma marwo Caasho Geele oo aan si wanaagsan u garanayo oo aan karti iyo hal adeeg iyo sharaf iyo Ixtiraam ku aqaanay ayaan ka hadlaa.

Ma Madaxweyne Deni oo maradii ka dhacday ayaan ka hadlaa oo Aaran Jaan u rahman, isla markaana u ah saami ay qayb ku leeyihiin.

Ma Raysal wasaare Khayre oo muujiyey mas’uuliyad iyo deganaansho iyo hoggaamin , si sharaf lehna yeelay ayaan ka hadlaa.

Ma dhalinyaradii Gaalkacayo ee dareenka wadaninimo ee ay yar tahay cid muddooyinkan danbe muujisay ayaan ka hadlaa.

Run ahaantii haddii had iyo jeer Puntland ku faani jirtay waxaanu nahay hooyada Federaalka waxaa caddaatay in Siyaasiyiintii soo qabatay Puntland in aanay waligood Hooyo u noqon federaale ay qaab fool xun ula dhiqmi jireen dawladda dhexe ilaa Carta, intii Cabdulaahi Yuusuf Madaxweynaha ahaana ay danahooda ka dhex arkayeen, wax hooyanima ahina aanay muuqan.

Maanta Deni maradaa ka dhacday wiilasha wasiirada ahna ee ilmada Yaxaaska iska tirayeyna waxaa kashiftay Marwo Caasha Geele , kuwaasina waxay ku suntanaan doonaan taariikh xun oo Loo adeegsaday Raysal wasaarihii ummadda in ay Dhul uu xukumo yidhaahdaan u hooyan maysid oo seexan maysid,waar nimankaasi miyaanay mustaqbal danbe ka filayn In ay iyagu Raysal wasaare ka noqdaan dalka.

Shacabka Puntland wuxuu muujiyey sharaf iyo karaamo dhalinyaradii soo dhaweysay Raysal wasaaraha ayaa lagu ilaawayaa fool xumadan ay Deni iyo Aaran Jaan ku talaabsadeen, wayse heli natiijadeeda, Puntland way afduubnayd ilaa 2005tii, waxayna u baahan tahay badbaado.

Marwo Caasha Geele waa qof sharaf iyo karaamo mudan ,waa hormuudka Puntland halka Deni fadhiyana iyadaa kun jeer kaga habboon, waa Marwo sumcad wanaagsan waligeed ku naaloonaysay , Soomaalinnimadu ku dheer tahay, ixtiraamta qofka Markaa ay hawl wada hayaan, dhalinyarada jecel waan boggaadinaynaa qaabkay xaqiiqada uga hadashay.

Raysal Wasaare Khayre waa Mas’uul dulqaadkeeda u leh markay ku caasiyoobaan kuwuu madaxda u yahay, waana ku boggaadinayaa qaabkuu hawshaa u maareeyey, markastana Raysal wasaare Khayre ayaa saxsan arrintan maadaama uu dalka Raysal wasaare ka yahay.

Waxayse arrintani muujinaysaa in hannaanka Federaalka iyo 4.5 uu yahay hannaan fashilmay maadaama oo maanta laga joogo 20 sano markii la bilaabay, hannaankaas oo aan Raysal wasaarihii dalka wali u ogolaan inuu dalka magaaladuu doono booqdo , guriguu doonana u hoydo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top