BREAKING NEWS

Wasiirka wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeynta oo Indhaha Isku Dhuftay Lascanood Maanta & Dad Qaliin Ku Jiray(DAAWO)

Maamulka Shirkada Korontada ee SOOL POWER ee magaalada Laascaanood ayaa kju eedeeyey Wasiirka wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta oo saaka bur burin ku bilaabay qaybo ka mid ah xayndaabka Xarunta Koronto dhalinta ee shirkada kaas oo sheegeen inuilu soo gaadhey barnaamijka magaakaynta iyo dib u habaynta magaalada Laascaanood.

Proff C/Naasir Maxamed Barre gudoomiyaha Shirkada Sool Power oo la hadkay warbaahinta ayaa sheegay in ay Wasaaradu qaadayso khasaraha masuuliyada dhibaatada ka dhalatay bur burinta qaybo ka mida Xarunta dab dhalinta ee Matoorada iyo Sollarka .

Gudoomiyaha oo ay Saxaafadu wax ka waydiisey bal in la siiyey ogeysiis ay ugu diyaar garoobaan ayaa sheegay inaanu jirin wax ogeysiis ah oo la soo gaadhsiiyey shirkada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top