BREAKING NEWS

Ra’isul Wasaare Justin Trudeau oo ka naxay geeridii ku timid Hodan Naaleeye

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Hodan Naaleeye oo kamid aheyd dadkii badnaa ee Al Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo.

Justin Trudeau ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeriyootay Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada, waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha tacsi u diray ehelada dadkii kale ee lagu dilay Weerarka Hotel Cas Caseey.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sheegay in Wariye Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya, waxa uuna xusay in geeridiida ay noqotay mid si weyn looga naxay loogana dareemay Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida, waxa ay aheyd qof wanaagsan, geerideeda aad ayaana uga naxnay ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Trudeau.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sidoo kale balan qaaday in dowlada federaalka Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka .

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada iyo seygeeda ayaa kamid noqday dadkii badnaa ee ku dhintay weerarkii Al Shabaab jimcihii ku qaadeen Hotel kuyaala magaalada Kismaayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top