BREAKING NEWS

Dalka Britain Iyo Iran oo Dagaal Bada Ka Dhex Qarxay & Markab Laga Qabsaday Britain

Dowlada Britain ayaa ku eedeesay ciidamada Kacaanka dalka Iran in ay qabsadeen Markab nuuca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalkeeda, Markabkan ayaana xiliga la qabsanayay marayay Marinka Hormuz.

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero ayaa waxaa qabsaday ciidamo watay afar doon iyo Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca , waxaana ciidamada qabsaday Markabka la sheegay in ay kamid yihiin kuwa Badda ee dalka Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt, ayaa ugu baaqay dowlada Iran in ay sii deyso Markabka , waxa uuna sheegay Wasiirka in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto hadii Iran aysan sii deyn Markabka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top