BREAKING NEWS

FARMAAJO oo kulan xasaasi ah la qaatay Thabo Mbeki {Video}

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wafdiga uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha haatan heysta Soomaaliya.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo hadalkiisa siio wata ayaa shaaciyey in dowladdiisu door muuqdoka qaadanayso arrimaha is dhex galka dalalka Geeska Afrika

Dhinaca kale Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, haatana ah madaxa guddiga sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa dhankiisa ka hadlay madasha, wuxuuna ka sheekeeyey maqaamkii ay Soomaaliya ku laheyd Qaaradda Afrika iyo caalamkaba.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” ayuu yiri Thabo Mbeki

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, guddoomiyaha maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top