BREAKING NEWS

Sawirro: James Swan oo tegay Hargeysa kulamana la leh Muuse Biixi

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Hargeysa si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee Somaliland, isaga oo durbo booqasho ku tegay xarumo ku yaalla magaaladaasi.

Sidoo kale ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo kala duwan la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulamadan ayaa intooda badan looga hadli doonaa arrimaha doorashada maamulkaasi iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa markii ugu horreysay oo uu James Swan booqasho ku tago deegaanada Somaliland, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Horay wuxuu u booqday maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top