BREAKING NEWS

Dowladda Burundi oo qiratay in askar looga dilay duleedka Balcad

Sida lagu daabacay Wakaaladda wararka Anadola ee dalka Turkiga Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in weerar lagu dilay qaar ka mid ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ku howlgalla Magaca AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM Floribert Biyereke ayaa sheegay in weerar ku qabsaday Ciidamada Burundi duleedka degmada Balcad lagu dilay lix Askari Saddex kalena lagu dhaawacay halka laba kale la la’yahay.

Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa Ciidamada Burundi waxaa ay howlgal lagu baneeynayay dhul howd ah ka wadeen inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow agagaarka Tuulada Gololeey,waxaana weerarkasi mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.

Taliska sare ee Ciidamada AMISOM weli kama hadlin weerarkaas marka laga reebo Afhayeenka u hadlay Ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya oo shaaciyay khasaraha gaaray ciidamadooda,waxaana Al-Shabaab ay horau u sheegeen inay weerarkaas ku dileen 10 askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top