BREAKING NEWS

Mareykanka oo faragelinaya arrimaha doorashada Jubbaland

Dowladda Mareykanka oo faragelin ku sameyneyso arrimaha maamulka Jubbalanad ayaa xal u raadineysa muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.

Xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin.

Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmo doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharraxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Musharraxiinta la loomeysa oo cabasho muujineyso ayaa isku haya doorashada.

Xaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale kacsan, kadib markii shalay lagu soo daadiyey ciidamo cusub oo ka amar qaata madaxweyne Axmed Madoobe.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top