BREAKING NEWS

Xal laga gaaray xiisad ka taagneyd degmada Warsheekh

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in uu kala qaado maleeshiyaad isku hor-fadhiyay deegaano hoostaga degmadaas,kuwaas oo tira ka dhowr jeer wada dagaalamay.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh ayaa kulan la qaatay waxgarad iyo Odayaal k socday labada maleeshiyo beeleed,si xiisadaas ka dhacday tuulooyinka ah Shiikhyaalo iyo Ruunshiiqow xal buuxa looga gaaro.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha degmada Warsheekh Col: Axmed Xuseen Axmed (shiidka) in uu go’aamiyay  gogol ay isugu yimaadaan labada dhinac maalinta axada ah, isla markaana howlshas uu siweyn ugala qeyb qaatay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Cadale Yaasiin Geedi.

Waxa uu sheegay in uu ka amamul ahaan ku reja weynyahay in arrinkaas guul ku dhamaan doono,isla markaana Ciidamada wada dagaalamay oo ka tirsan kuwa dowladda,hayeeshee qaab beeleed u abaabulan xal laga gaari doono.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top