BREAKING NEWS

Ciidanka Khaatumo Oo Gudaha U Galay laascaanood +Dagaal Culus.

Ciidamada Xaq u dirirka Khaatumo ee U Hogaamiyo Kornayl Faysal falaalug ayaa xalay sax dhexe ka soo galay Afarta koone Laascaanood.

Ciidamada Khaatumo oo ku hubaysan Hubka Qeybihiisa kala duwan ayaa Dhawr goobood ka soo galay magaalada laascaanood. xalay.

Saldhiga Burta yasidka laascaanood oo ay dagan yihiin maleeshiyada snm ayey ciidanka khaatumo xalay la wareegen kuna qabsaden dagaal xoogan iyagoo gurtay hubkii halkaasi yiilay iyo guud ahaan saldhigaba.

Sidoo kale ciidanka khaatumo ayaa badhtamaha magaalada gudaha usoo galay iyagoo qabsaday saldhiyo dhawr ah.

Dagaalka xalay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac waxaana maleeshiyada snm ay xalay jaren ISgaadhsiinta sida Internetka iyo Korontada

Ciidanka Khaatumo oo si lama filan ah xalay kusoo galay laascaanood ayaa mudo afar saac ah guud ahaanba gudaha laascaanood ku ahayay gacanta,

Wixii soo kordha kala soco wararkeena danbe.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top