BREAKING NEWS

Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Markab Shidaal siday iyo Shaqaale

Dowladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay qabsatay Markab shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah wadamada Carbeed,xilli uu marayay Gacanta dfalka Cumaan.

War laga baahiyay Warbaahinta Iiraan ayaa lagu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ay qafaasheen markabkaas oo siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xasaradda gacanka Carbeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top