BREAKING NEWS

Sawirro: Meydka marxuum Injineer Yariisow oo laga soo dajiyey MUQDISHO

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyey Meydka Marxuum Injineer Cabdiraxamaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Diyaarad qiyaas ah oo ka soo qaaday magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa keentay Meydka guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyey qaar ka mid ah ciidamada, iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa Janaasadiiisa ka qeyb geli doono madaxda u sareysa dalka, sida Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top