BREAKING NEWS

Dowladda oo saldhig ay kaga duulaan tagto Al shabaab ka hergelineysa gobalka Gedo

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa waxay qorsheynayan in Degmada Baardheere laga furo saldhig weyn oo laga qaado hawlgalada la doonayo in Ururka Al Shabaab looga xoreeyo Degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe.

Gobolka Jubbada Dhexe waa gobolka keliya ee dalka ku yaala ee ay si buuxdo kaga arrimiso Al Shabaab, oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.

Taliyaha Guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo, G/Sare Maxamed Caddow Cali (Sanka) oo maanta gaaray Degmada Baardheere ayaa ka hadlay hawlgalka la doonayo in Shabaabka looga saaro Gobolka Jubbada Dhexe.

“Aniga booqashadeyda waxaa uu qayb ka yahay dardargelinta hawlgalada socda, ee cadowga looga xoraynayo deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.” Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay.

Taliyaha ayaa yiri “Qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhig weyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo hawlgalkiia maleeshiyada Al Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Goblka Jubbada Dhexe.”

Taliye Sanka ayaa tilmaaay in Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ay diyaar u yihiin inay dardar-geliyan sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka arrimiyaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top