BREAKING NEWS

Ciidamada amaanka oo si buuxda ula wareegay dagmada Owdhiigle

Wararka ka imaanaya degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi.

Ciidamada ayaa isku fidayay dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top