BREAKING NEWS

Baarlamaanka Kenya Oo Amray In Ciidankooda La Geeyo Biyaha Soomaaliya

Xildhibaanada Kenya ayaa waxa la war geliyey Amar kasoo baxay Hogaanka Aqlabiyada Baarlamaanka oo ah in ciidan la geeyo Biyaha Soomaaliya.

Tani waxay sii cusleyn doontaa Muranka Dacwada Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya oo hadda hortaalla Maxkamada Cadaalada Adduunka Ee ICJ.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku saxiixnaa Warqada Amarka ah isagoo sheegay in deg deg loo daabulo ciidanka Difaaca Kenya si ay u ilaaliyaan Biyaha ay Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin xilli Kenya Sheeganeyso.

Dawlada Kenya waxaa ay ku doodeysaa in kiiska Badda ee iminka horyaalla ICJ uu Kenya ka gacan bixinayo masaafo dhan 26% biyaheeda sidoo kalena 85% aagga gaarka ah ee dhaqaalaha ku weyn karto.

Lama oga sida ay xaalada noqon karto iyo jawaabta Villa Soomaaliya ka bixiso arintaan soo korortay.

Warar ayaa sheegaya in Kenya ka hortimid Qorshe lagala noqonayo Gobolka NFD oo ay ku qaadatay Heshiiskii Caruusha Dalka Tanzania,xilligaasi uu saxiixay AUN Ra’iisal wasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal)

Dawlada Soomaaliya Ee Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ayaa doonaya inuu soo celiyo SOMALIWEYN sida ay kenya Shaaca ka dhigtay taas oo ay dhankeeda Deegaanada Gobollada Wuqooyi Bari Ee La yiraahdo NFD sahal ku bixin doonin.

Bisha soo socota Ee September ayaa loo ballansan yahay in Maxkamada ICJ Ee ku taalla xarunteeda Dalka Holland ay dhageysato dacwada Labada Dal isku heystaan muranka badda Ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top