BREAKING NEWS

War Deg Deg ah oo naga soo gaaray doorashada Jubbaland

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay aqbaleen in Saddex maalin lagu daro Howlaha Guddiga si ay isku diwaangaliyaan Musharaxiinta qaarkood ee u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ee cabashada qaba.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay maanta in ka badan30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo.

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubabda Hoose waxaa sidoo kale maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Wafdiga ka socday xubnaha Beesha Caalamka oo uu hoggaminayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa waxaa ay Magalada Kismaayo kula kulmeen Xildhibaannada labada Aqal iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Maanta waxaa sidoo kale Khudbaddaha Musharaxiinta Guddoonka baarlamaanka jeediyay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulamo aan loo kala kicin ay xalay ka socdaan Magaalada Kismaayo, islamarkaana xubnaha beesha Caalamka ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo khilaafka doorashadda Jubbaland

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top