BREAKING NEWS

Wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Qatar oo kulamo la qaadanaya Xukuumadda Soomaaliya

Wafdi ka socday dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

wafdiga Qatar waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana la socday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkaas Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdiga Qatar ka socda, waxaana ay kawada hadleen xeriirka labada dhinac, taageerada Qatar iyo waliba fulita mashruucyo horumarineed oo Qatar ay ka hergelineyso Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ra’iisul wasaare Kheyre kala hadla xoojinta xiriirka labada dal iyo sidi Qatar ay sare ugu qaadi lahayd kaalmada ay siiso dowladda.

Sidoo kale, wasiirka gaadiidka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa la kulmay wasiirka dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, waxaana dowladda Qatar ay si rasmi ah ugu dhowaaqday mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top