BREAKING NEWS

Agaasimihii Isbitaalka xoogga dalka oo ku dhaawacantay Qarax lala eegtay gaari ay saarneyd

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay waxa uu ka dhacay agagaarka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan,waxaana lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo saraakiil dowladeed ay saarnaayeen.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca loo yaqaano Toyota HILUX waxaana ku dhawacmay Khadeeja Iman oo ah agaasimaha isbitaalka xoogga dalka iyo darawalkii waday gaariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa gaariga, sidoo kale waxaa jira Askari isna la sheegay inuu gaariga saarna oo dhaawacmay.

Qaraxa ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay Wadada aada Isbitaalka Deefa ee ka tagta Carwadii hore ee Taleex,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo xiray agagaarka wadada uu goobta ka dhacay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top