Waxaa Xadhiga laga jarey Xarunta Caafimaadka ee KALKAAL MATERNITY CARE Awrboogays Xaruntan oo buuxin doonta baahiyaha Caafimaad ee dadka deegaanka iyo nawaaxigiisa ,
Deegaanka AWRBOOGAYS oo ka tirsan gobolka Sool ayaa magaalada Laascaanood kaga beegan dhinaca waqooyi galbeed 130 Km , Dhinaca galbeed kaga began magaalada Garoowe 230 Km , magaalada Ceerigaabona kaga began dhinaca Koonfur Bariga 150 km , Waxaana hoos yimaada 14 Tuulo iyo Miyi aad u ballaadhan oo aan haysan markii hore adeegyo caafimaad noocey doonaan ha ahaadeene .
Xarunta Caafimaad ee KALKAAL MATERNITY CARE waxaa dhisey 5 hablood oo ku midoobey Ururka KALKAAL MATERNITY CARE kuwaa oo ka damqadey dhibaatooyinka Caafimaad ee ay qabeen dadka deegaanadaasi , Hablahan ururkan ayaa kala ah :
1:Foosiya Xaaji Dirir Ciise
2- Sahra Maxamed Ismaaciil.
3- Kinsi Maxamed Cabdi
4- Safiya Cali Caateeye
5- Nasra Maxamuud Mire.
Hablahan ayaa deeqdii lagu dhisey Xaruntan Caafimaad ka soo ururiyey Ummada Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba .
Sidoo kale Xaruntan Caafimaad ayaa ku qalbaysan qalabkii Caafimaad ee ugu danbeeyey ee lagu isticmaalo dalka Somalia , Waxaana ka shaqayn doona shaqaale u tababaran xirfado Caafimad oo kala duwan kuwaa oo kala ah :
– Dhakhaatiirtiir , Kalkaaliyayaal , Shaybbaarayaal , Umulisooyin , Maamul iyo waliba hawl wadeeno u tababaran shaqooyinka Cusbitaalka .
Munaasibad balaadhan oo la qabtay daahfurka Xaruntan , waxaana ka soo qayb galay masuuliiin kala duwan
Gudoomiyaha Ururka KALKAAL MATERNITY CARE Foosiya Xaaji Dirir Ciise ayaa u mahaqnaqdey Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay Joogaan gaar ahaan Marwada Madaxwaynaha Somalia Saynab Cabdi Macalin oo Talo iyo Taakuleyn wayn ka qaadatay Taab-gelinta Xaruntan .
Waxay kaloo u mahad naqeen gudoomiyaha Foosiya Xaaji Dirir Ciise , Cid walba booskii ay ka buuxisey furitaanka Cusbitaalkani , Waxay sidoo kale u mahad naqdey qoyskeeda dhamaan meel walba oo ay joogaan .