BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada AMISOM oo saldhig ka sameystay garoonka Dhuusomareeb

Ciidanka AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa saldhigyo ka sameystay goobo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa sidoo kale Magaalada ka socda kulamo u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa dowladda ee maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Kulamada ayaa badankood diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Ciidanka AMISOM ee tagay Magaalada iyo Ciidankii horay ugu sugnaa Dhuusamareeb.

Waxaa Muuqata in xal laga gaaray Khilaaf Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana guud ahaan dowladda dhexe Soomaaliya ay la wareegtay Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa lagu waddaa in uu Furmo maalmaha soo socda waxaana hadda Magaalada ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top