BREAKING NEWS

KHAYRE oo kulamo xasaasi ah ka wada Dhuusamareeb

Raiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay madaxda Ahlu Sunna, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa saacadaha socda Ra’iisul wasaaruhu kulamo la leeyahay ergada ka qeyb galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beri ka furmaya halkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulamadaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top