BREAKING NEWS

Deg deg: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo qarax lagula eegtay Sh/ Dhexe

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, xilli ay marayeem deegaanka lagu magacaabo Gololey.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo isugu jira dhimasho iyo dhaawaca, walow aan weli si rasmi ah loo xaqiijiin inta uu la egyahay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa WIdh Widh Online u xaqiijiyey in qaraxa uu qabsaday gaari ay la socdeen guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda gobolka Shabeelaha dhexe, Cabdullaahi Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top