BREAKING NEWS

Dhaawacii nabadoon axmed oo Xamar la keenay

abadoon Axmed Jaamac Qalyar oo Habeen Hore y lagu dhaawacay magaalada Kismaayo ayaa galabta la keenay magaalada Muqdisho kadib markii Nabadoonka ay dhaawac halis ah ugaysteen dablay,

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa Nabadoonimadiisa ka sokow ka tirsan Golaha isbadal doonka garabka ka soo horjeeda Axmed Madoobe wuxuuna ahaa shaqsigii soo magacaabay gudigii doorashada ee soo doortay Golaha baarlamanka iyo Madaxweyniyaasha Seeraar iyo Xidig ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray meelo badan oo jirkiisa ah waxaana ku dhacay Afar xabadood iyadoo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho haatan kuna jira laguna dhabiibayo Caafimaadkiisa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top