BREAKING NEWS

Mahdi Guuleed Oo Qadiyada Soomaaliland Udooday inay Jamhuuriyad Noqoto

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa la rumeysan yahay inuu weli yahay mid hankiisa aan ka go’in ictiraaf la siiyo Soomaaliland.

Deegaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa Mr Khadar Soomaaliland,waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen in Xubnaha beesha caalamka markii uu si gaar ah ula kulmo uu ka dalbado inay Aqoonsi raadinta Soomaaliland ka shaqeeyaan.

Tani waxay marag ka tahay sida xubnaha Dawlada Dhexe ku jira Ee Soomaaliland kasoo jeeda dhowr mar ay ku goodiyeen inay Soomaaliland iyo Deegaankoodii ku laabanayaan hadii Xaqa ay leeyihiin dadka Deegaankaasi lasiin.

Wasiir Maareeye iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaana ka mid ah Feylasuufyada ay Qadiyada Soomaaliland weli ka go’in maankooda kuwaas oo muujiya inay aaminsan yihiin Jamhuuriyad la hor istaagay Soomaaliland.

Hadaba kulan gaar ah oo saacado ka hor ka dhacay Muqdisho ayaa waxa yeeshay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar iyo Safiirka Midowga yurub Ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kasokoow inay ka hadleen Arimaha Xiriirka Dawlada Dhexe iyo EU waxa kale oo ay isla soo qaadeen Arinta Soomaaliland iyo sida ugu macquulsan ee loo Aqoonsan karo,sida ilo lagu kalsoon yahay Xaqiijiyeen.

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’day Sanadkii 1991-kii balse ilaa xilligaas ma aysan helin Ictiraaf Caalami ah,Dalkii ugu dambeeyey Ee la aqoonsaday waxa uu ahaa Koonfurta Sudan Oo 2011-kii dunida lagu biiriyey Dalalka ka jira.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top