BREAKING NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo muddo kadib maanta tagay magaalada Dhuusomareeb

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa Maanta lagu wadaa in uu dib ugu laabta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug 85 maalin uu ka maqnaa ka dib .

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro Dhuusamareeb, waxa uuna qayb ha yahey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ku wahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug halkaas oo ay ka socoto soo dhaweynta wafdigaan.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa mudooyinkaan dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, waxa uuna Dhuusamareeb ka baxay 23 bishii june ee sanadkaan ka dib khilaaf Xoogganaa oo soo kala dhexgalay isaga iyo Hoggaanka Ahlusunna oo awood ku lahaa Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa markii uu ka baxay Dhuusamareeb waxa uu ku dhawaaqay in uu burburay heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug ku wada galeen Jabuuti oo lagu midaynayay Maamuladii ka ariminaayay Golada dhexe ee Dalka .

Sidoo kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa inta badan Xilalka ka qaaday Wasiiradiisa kuwii ka soo galay dhanka Ahlusunna oo ay ugu muhiimsanaayeen Wasiirkii Amniga Gudaha Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim iyo Wasiirkii qorshaynta Galmudug Cabdikaafi Maxamuud Maxamed Qaaf oo Xoghaye ka ahaa Guddiga Dib u heshiinta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa in uu Joobjoog ka noqdo Xiritaanka Shirka Dib u heshiinta Beelaha Galmudug  oo Caawa Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Farmaajo ku soo xirayo Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb sida qorshuhu yahey.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top