BREAKING NEWS

Sacuudiga oo Banaanka Keenay in weerarkii warshaddeeda saliidda ay Iran ka dambeysay(DAAWO)

Xukuumadda Riyaad ayaa maanta soo bandhigtay caddeymo laga soo ururriyay xaruntii shidaalka ee maalmo ka hor diyaaradaha duuliyaha aan laheyn lagu weeraray kuwaas oo geystay khasaare sababay in qeyb ka mid ah warshaddaasi hakisay kala-bar wax soo saarkii saliidsa.

Sarkaal Sacuudi ah oo goobta ku sugnaa, warbaahintana la hadalay oo lagu magacaabo Turki al-Malki ayaa sheegay in weerarku uu ka yimid dhanka waqooyi, islamarkaana aanay shaki ku jirin in caawimaad dhanka Iran uusan meesha ka marneyn.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay ka dambeyso xukuumadda Tehran, walow ay Iran beenisay, gaashaankana u daruurtay in ay isayu ka dambeysay.

Maanta oo arbaco ah ayaa waxaa uu madaxweyne Trump ku amray wasaaraddiisa dhaqaalaha in ay sii dhuujiso cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Iran.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen, waxayna ku hanjabeen in ay weerarada noocaan oo kale ah sii wadayaan haddii ay xulufada Sacuudiga ay ka joojin waayaal duullaanka.

Cadeynta dowladda Sacuudiga soo bandhigtay ayaa imaanaysa xilli xukuumadda Riyaad laga sugayay warbixin ku aadan weerarka loo geystay iyo cidda ay ku tuhmayaan in ay ka dambeyso.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top