BREAKING NEWS

Dowlada Maraykanka oo sheegay inuu dhisayo xulafo ka dhan ah IRAN

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo oo maalmahan safaro ku maraya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay dhismaha isbaheysi ama xulafo ka hortagta khatarta uu sheegay inay uga imaaneyso dhinaca dalka Iran.

blank

Pompeo oo Khamiistii shalay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi halkaasi oo uu kula kulmay Amiirka Imaaraatiga ayaa horey kulamo kula soo yeeshay magaalada Riyadh, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Wasiirka arrimaha Dibada ee Maraykanka oo weerarkii sabtidii lagu qaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ku tilmaamay duulaan militari ayaa horey ugu goodiyey in Maraykanka tilaabooyin qaadi doonaan, balse Khamiistii shalay ayuu hadalkiisa qaboojiyey isagoo sheegay in Maraykanka uusan dooneyn inuu dagaala ku qaado wadanka Iran.

blank

Dowlada Iran ayaa dhankeeda sheegtay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay wadeen olole ay doonayaan inay duulaan kusoo qaadaan Iran, wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa sheegay in xulafada Maraykanka iyo Sacuudiga ay horey ugu fashileen dagaalka Yemen, isla markaana doonayaa inay hada dagaal kale oo aysan ka bixi karin madaxa u galiyaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Warbaahinta WidhWidh Online News Desk

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top