BREAKING NEWS

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac Ahna Damujadiid oo Is Casilay

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac ayaa caawa shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo uu ka hayay Xukuumada Soomaaliya.

Qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan Cabdikariin Dhalac ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumada, waxa uuna ku sheegay Sababaha uu isku casilay in uu ku qanci waayay faro galinta dowlada ku heyso arimaha Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiir kuxigeenka is casilay in dowlada faragalin ku heyso arimaha Galmudug, isagoona tilmaamay in Galmudug hada ka socoto qaban qaabada doorasho baal marsan dastuurka iyo rabitaanka dadka Galmudug.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top