BREAKING NEWS

Sawirro: Muudey oo kulan gaar ah la qaatay Waare iyo Lafta Gareen

oomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ciidanka huwanta ee ka socda gobollada Shabeelooyinka ee maamulladaasi.

Waare iyo Lafta Gareen oo maalmo ku sugan Muqdisho ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda fedederaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cumar Filish oo ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top