Wararka iyo xaalada cusub ee inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi laga sugayo inay Wafdi ka socda Kenya tegaan.Advertisement
Ilo lagu kalsoon yahay oo WidhWidh Online la hadlay waxay sheegeen in Mas’uuliyiin Kenyaan ah ay Xaflada Caleemo saarka Axmed Madoobe halkaasi utegi doonaan. Waxayna garab istaagi doonaan Axmed madoobe oo la doonayo inuu Badda Difaaco.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ayaa macquul ah in wafdigaasi uu hogaamiyo,inkastoo faah faahino kale laga heynin Xubnaha wafdigasi.
Dhinaca kale dowlada Soomaliya ayaan haysan wax diyaarad oo difaaca cirka Soomaliya, taasi waxay u fududeenaysaa in dowlada Kenya ay say doonto ka yeesho Soomaliya.