BREAKING NEWS

Somaliya Oo U Yeedhay Safiirka Kenya U Fadhiya Magalada Muqdisho

blank

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa maanta Ayaa u yeedhyay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.Somaliya Oo U Yeedhay Safiirka Kenya U Fadhiya Magaalada Muqdisho

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya

Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha.

Wwarbahinta Widhwidhonline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top