BREAKING NEWS

:Aadan Barre Ducaale oo toos uga dagay Kismaayo, kadib xayiraadii la saaray magaaladaasi+sawiro

Wafdi uu  horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta.

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka saartay hawada Kismaayo.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka digtay Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda  xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii loogu doortay.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top