BREAKING NEWS

C/Rashiid Xidig Oo 6 Su’aal oo adag hor dhigay Siyaasiyiinta ka Qeyb galeysa Caleemo Saarka Axmed Madoobe !!{Akhriso}

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo koox taageerayaashiisa ah Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa su’aalo ay adagtahay ka jawaabistooda hor dhigay Madaxda iyo siyaasiyiinta ka qeyb galeysa Caleemo saarka Axmed Madoobe.

Mr Xidig ayaa sheegay in magaalada Kismaayo isugu yimaadeen dad uu ku tilmaamay Qaran dumis iyo kuwa ixtiraam mudan oo qorshahoodu yahay in Kismaayo noqoto saldhig Qaranka looga duulo.

Qoraal uu barta uu Facebooka ku leeyahay Xidig ayuu ku weediiyay Madaxda iyo Siyaasiyiinta joogta Kismaayo su’aalo la xariira hadii ay isku ekaadaan doorashada uu kusoo baxay Axmed Madoobe oo kale hadii Farmaajo kusoo baxo in ay aqbali doonaan.

Halkan ka Akhriso Su’aalaha Cabdirashiid Xidig

Bismilaah :
Asc Dhamaan bulshada soomaaliyeed
gaar’ahaan isbedel doonka Jubaland,

Waxaa hubaal ah Inay jubbaland isugu yimaadeen Dad ixtiraam mudan iyo Kuwo Qaran Dumis qorshahoodu yahay, Rabana in Jubaland noqoto saldhiga qaranka lagaga duulo:Anigoon hoos ugu sii daadagin shakhsiyaadka kismayo isugu yimid, Waxaan waydiinayaa dhowr su,aalood, waxaana lagama maarmaan ah inay jawaabo waafiya kasiiyaan Shacabka soomaaliyeed:

1: Dhamaantiin waxaad isu garab ordaysaan ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 Ma aqbaleysaan hadii Farmajo idinkoo guryihina jooga ku dhawaaqo In la doortay sidii Axmed madoobe?:
2: ma aqbaleysaan In Farmajo 3 magac loo keeno oo midkuu hubo inuu dooranayo xildhibaan ka dhigo sida Axmed madoobe?

3: Ma aqbaleysaan In odaygii dhaqanka ee aan Farmajo taageersaneyn inuu liiska dhaqanka ka saaro oo mid isaga taageersana uu ku bedesho sida Axmed madoobe?:

4: Ma aqbaleysaan In shuruudaha Madaxweynuhu noqdaan kuwo lagu cabiray oo u adeegaya farmaajo oo kaliya murashaxiinta kale oo dhana meesha ka saaraya sidii Axmed madoobe?:
5: Ma aqbaleysaan in farmaajo murashaxiinta u diido inay airporka kasoo degaan, ololeeyaan ama is diwaan geliyaan sidii Axmed madoobe?

6: Ma aqbaleysaan In warqada kama danbeysta ee fasaxa murashaxiinta uu bixiyo Farmajo iyo heyada Nabad sugida murashaxii inuu culus yahay uu u arkana tartanka laga reebo Sida Axmed madoobe?

Lixdaas qodob hadaad ogoshihiin In Madaxweyne Farmajo ku maamulo Doorashada Federaalka ee 2021 Waxaa inoo furan wada hadal

Faalada qoraalkeyga markaan helo jawaabta kooxda sare ku xusan ayaan hoos ugu daadagi doonaa inshaalaah:

WARBAHINTA WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top