BREAKING NEWS

Ciidamo xoogan Oo Ka Soo Goostay Somaliland{Sawiro}

Telefishinka Puntland ayaa ku warramaya in guutadii 93-aad ee ciidanka maamulka Somaliland ay saaka ku soo biirtay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Sawirro uu soo bandhigay Puntland TV ayuu ku sheegay guutadii 93-aad ee ciidanka Somaliland oo ku biirtay dhinaca Puntland waxaana telefishinku tilmaamay in ciidanka oo markii hore fadhigoodu ahaa deegaanka Ceelbuh ay calankii Somaliland ka tuureen xeradooda, kadibna ay ku beddeleen calanka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan ay halkaasi ku soo dhaweeyeen ciidankan oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Ciidamo xoogan Oo Ka Soo Goostay Somaliland{Sawiro}”

    1. Para Pedir Un Prestamo Prestamos Por Internet Prestamos Faciles Por Internet https://prestamosonline.space/byram-ms/ Mini Credito Online Donde Puedo Pedir Un Prestamo Creditos Por Internet Rapidos

    Comments are closed.

    scroll to top