BREAKING NEWS

Dawladda Somalia 10 Kun Oo Askari Ka Dalbatay Itoobia {Akhriso}

Warar laga helay ilo katirsan Dawlada Somalia,oo ku sugan magaalada Addis Ababa iyo Xaafiisyada Urur Gobaleedka IGAD, ayaa daaha ka rogaya in Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay codsadeen in ciidamo gaaraya 10Kun Askari oo kamid ah kuwa Itoobiya la geeyo gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalka Gedo oo ay u taageeraan howlgalada dawladda Faderaalka.

Warbaahinta WidhwidhOnline xogtan ay heshay waxay ilo lagu kalsonyahay u’xaqiijiyeen in qorshahan oo horey u ahaa mid-bilow ah hadda uu marayo dhamaad, ayna aqbashay Xukuumadda Addis Ababa in kumanaan Askari ay u dirto Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ciidamadeedu hadda yihiin ciidanka 2aad ee ugu badan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna joogaan maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle & Jubbaland oo sadex qeybood oo muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u codsaday in ciidamo katirsan Itoobiya iyo Eritrea ay qeyb ka noqdaan qorshaha cusub ee Soomaaliya, waxaana dawladdiisu ay xooga saaraysaa sidii ay ciidamadaas u qaban lahaayeen magaalada Bu`aale ee gobalka Jubbada Dhexe.

Dawladda Faderaalka ayaa u aragta qorshahan mid ay uga faa’iideysan karto in ay kuqabsato magaalada Bu`aale, si uu meelmar u noqdo qorshaheeda ku wajahan dhismaha Jubbaland iyada daabacsan ka hor bisha April ee sannadka nagu soo aadan.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen in ay Xukuumadda Soomaaliya bixin doonto dhaqaalaha badan ee kubaxaya ciidamadan soo galidooda Soomaaliya, sidaas oo kalena ay adeegsanayaan magaca iyo calaamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin caqabadaha hareyn doona waxaa kamid noqon doona cida bixin doonta dhaqaalaha faraha badan ee ay u baahan yihiin.

Itoobiya ayaa horey ciidamadeeda ugala baxday Soomaaliya, markii ay dagaalo culus kala kulantay kooxo kasoo horjeeday, waxaana ay uga baxday markii dambe heshiis ay galeen dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaana garabkii uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed.

Haddii markale ay Itoobiya gasho gudaha Soomaaliya dad badan ayaa u arka mid dib loogu abuurayo xiisado coladeed oo kuwajahan gdaha Soomaalida iyo in ay kooxaha Argagixisadu helaan garab iyo gaashaan aysan maanta

Image result for CIIDANKA ETHIOPIA

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Dawladda Somalia 10 Kun Oo Askari Ka Dalbatay Itoobia {Akhriso}”

    1. Te Presto Prestamos Personales Con Veraz Personas Prestamistas De Dinero https://prestamosonline.space/palmetto-bay-fl/ Paginas De Prestamos En Linea Para Pedir Un Prestamo Donde Puedo Conseguir Un Prestamo

    Comments are closed.

    scroll to top