BREAKING NEWS

Faarax Macalim “Axmed Madoobe Durbaanka Uu Xaday, Halkee Ayuu ku Garaaci Doonaa” ? {Akhriso}


Siyaasiga Faarax Macalim ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Wuxuuna sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday.

Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa.

“Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo dhahaysa,  Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.”

“Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta.” Ayuu yidhi Faraax Macalim.

Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya  ay la safteen   Axmed Madoobe a, iyadoona guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale uu ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe oo maalintii shalay ka qabsoomay Kismaayo.

Warbaahinta WidhwidhOnline

[

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Faarax Macalim “Axmed Madoobe Durbaanka Uu Xaday, Halkee Ayuu ku Garaaci Doonaa” ? {Akhriso}”

    1. Prestamos Por Semana Lugares Donde Prestan Dinero Rapido https://prestamosonline.space/vestavia-hills-al/ Al Credito Creditos Via Internet Solicitar Prestamo Personal Online

    Comments are closed.

    scroll to top