BREAKING NEWS

Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Cusub oo kasoo Goostay Somaliland [Daawo Sawirro]

Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa shaaciyey in ay Puntland kusoo biireen saldhiggii iyo ciidamadii Somaliland  u joogay  magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu danbeeyey ee Somaliland u joogay Deegaanada ku xeeran magaalada Badhan, oo horay ciidankii u joogay ay ugu biireen Puntland.

Dhinaca kale   Somaliland Wax war ah, kama aysan soo saarin Ciidamadan  kale ee ku Biiray Puntland, oo Mudooyinkii dambe xoojisay Saamaynta ay ku leedahay gobolka Sanaag.

Waxaa siwayn loo Xasuustaa Hadalkii taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Nuux Taani uu sheegay markii Ciidamadii Badhan ku sugnaa ay ku biireen Puntland, isagoo xusay inay ahaayeen Ciidamo Culays uun ku hayey Somaliland balse aan waxba u qaban jirin, Wuxuuna xiligaasi Codsaday in kuwa kale ee hadhayna ay raacaan.

blank
blank
blank
blank
blank

Warbaahinta WidhwidhOnline :

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top